The Enterprise Academy
The Enterprise Academy Program: Dhismaha Dhaqaalaha Deegaanka
Hay’adda Initiative Foundation waxay rumaysantahay hamiga iyo darajada ganacasatada maxaliga ah ay ku badalayaan noloshooda, ayna dib u soo nooleeyaan xaafadooda. Machadka Ganacsiga oo raad raacaya Mashruuca Horumarinta Ganacsiga oo uu hormood ka yahay Xarunta Horumarinta Deriska (NDC) kuna dhisan iskaashi ka dhexeeya heeyado isbiirsaday, wuxuu bixiyaa tababbarro, amaah iyo in ay ganacsade walba markiisa siiyan latalin gaar ahaaneed si ay u abuuraan una hormariyaan ganacsiga yar yar.
Faaiidooyinka waxaa Kamidah ...
- Shaqo Abuuris
- Bixinta agab iyo shaqooyin u gaar ah kobcinta dhaqaalaha
- Dib-u-nooleynta bulshada iyo guryaha bannaan
- Horumarinta iyo kor u qaadida dad tusaale wanaagsan u noqda bulshada
- Xoojinta iyo fidinta dhaqaalaha bulshada
Tababarka Ganacsiga
Kuwa ku haminaya ganacsiga waxay la talin ka helayaan quburo ku xel dheer ganacsiga marka ay abuurayaan qorshahooda ganacsi ee gaar ahaaneed. Fasallada waa hal mar usbuuciiba, waxayna soconayaan ilaa iyo 12 asbuuc.Tababrka fasaladatan waxay noqon doonaan kuwo si gaarahaaneed loogu talagalay kuna saleysan koox walba baahidooda gaarka ah. Waxaa kale oo ay heli doonaan gargaar la talin -hal-hal ah si looga caawiyo ka qaybgalayaasha inay qortaan qorshe ganacsi dhab ah.
Amaahda Ganacsiga Yaryar
Machadka Ganacsiga qeeybtisa amahda waxay fursad siin doonta ganacsatada an qaadan Karin daymaha caadiga ah in ay siiyaan fursad ay ku qaadan karaan maal gashi(amah) loogu tala galay oo ku saleysan dhaqankooda.
Adeegyada Ganacsiga & Caawinta Farsamada
Inta lagu jiro mudada bilaabista iyo ballaarinta. Machadka Ganacsiga wuxuu bixiyaa la-talin hal-hal ah oo ku saabsan maamulka, sumadda, sharciga ganacsiga, iyo in kale oobadan.
Wixii macluumaad dheeraad ah, la xiriir: Jeff Wig
Madaxweyne Ku-Xigeenka Horumarinta Dhaqaalaha iyo Horumarinta
Support for the Enterprise Academy is made possible by grants from Wells Fargo, the Central Minnesota Community Foundation, the Ewing Marion Kauffman Foundation, and the Minnesota Department of Employment and Economic Development.